Published On: Sat, Mar 11th, 2017

Wareysi: Mid ka mid ah dadkii laga soo tarxiilay Mareykanka

Nuur Maxamed Maxamuud oo ka mid ah ku dhawaad 70 qof oo Soomaali ah, lagana soo tarxiilay dalka Mareykanka, ayaa ka hadlaya qaabka dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Jimcihii maanta, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka soo cago dhigatay diyaarad siday 68 qof oo Soomaali ah, oo laga soo musaafuriyay dalkaasi Mareykanka, ka dib markii deganaansho looga diiday.

Nuur Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay tallaabada lagu soo celiyay ka shakhsi ahaan, ay ka dambeysay dhibaato dheer, ka dib markii muddo ku dhow laba sano uu ku xirnaa xabsi ku yaala Gobolka Florida.

Nuur Maxamed Maxamuud oo markii uu tegaayay dalka Mareykanka u sii maray dalal badan, ayaa Safiirka Somaliya u fadhiya dalkaasi ku eedeeyay in uu fududeeyay dib u soo celintooda.

Nuur Maxamed oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay dhammaanba dadka la soo celiyay in lagu daadiyay Garoonka Aadan Cadde, isagoo muujiyay inaysan wax gacan ahi ka helin Dowladda Somaliya.

Qaar ka mid ah dadka la soo celiyay, ayuu sheegay inaanay dad u deganayn Magaalada Muqdisho, isla-markaana looga dhex tagey albaabka Garoonka, sida uu yiri.

Hase ahaatee, Wasiirka Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa isagu sheegay in dowladdu ka warqabto xaaladda dadkaasi. Wasiirka, ayaa intaa ku daray in dowladda ay masuuliyad iska saartay ka warqabka dadkaasi iyo suggida amnigooduba, si aanay qudhoodu uga imaan amni darro.

Bishii January shan iyo labaatankeedii, ayay ahayd markii 90 qof oo Soomaali ah laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, lagana soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300