Published On: Sat, Mar 11th, 2017

Warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Maanta Magacaabayo Golihiisa Wasiiradda

Warar hoose oo ay Heshay markacdeey  ayaa Sheegaya in Maanta oo Sabti ah ay Suuro galtahay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu Magacaabo Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Illo ku dhow Dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay in Maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqi doono Xukumaddiisa Cusub,inkastoo wax kasta ay isbadeli karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyrre soo Magacaabay 23-kii February,waxaana Maalintaas uu Farmaajo ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Kheyrre in soo dhisitaanka Xukumadda uusan ku qaadan wax ka badan 15 Cisho.

Maanta ayaa ah 11-ka March,waxaana Shalay ku Ekaa Mudadii loo qabtay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu soo dhiso Xukumadda uu Hogaamiyo.

Inta Badan Dadka Soomaaliyeed ayaa il gaar ah ku haya Magacaabista Golaha Wasiiradda Soomaaliya,waxaana Dalka ka jirta Abaar Dad iyo Duunyaba ay u dhinteen iyo Ammaankii oo weli aan Sal fadhiya laheyn.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300