Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Xildhibaan ka badbaaday isku day dil ah

Wararka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Mid kamid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo uu ka bad baaday isku day dil.

Xildhibaan C/fitaax Xasan Xuseen Alore oo kamid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa Xalay ka bad baaday isku day dil oo lagu doonayey in lagu Khaarijiyo.

Xildhibaanka ayaa dhawac fudud kasoo gaaray Rasaas ay ku fureen Koox ku Hubaysnaa Baskoolad.

Dhawac fudud ayaa gacanta kasoo Gaaray Xildhibaanka waxaana loola cararay Xarun Caafimaad oo ku taal magaalada Gaalkacyo.

Dhawaca Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Arbacadii Dhaawac Culus uu soo gaaray xildhibaan C/qaadir Farax Bootaan oo kamid ah golaha wakiilada Puntland uu dhawac culus kasoo gaaray Qarax loogu xiray Gaari, Waxaaana dhaawiciisa loola cararay Shalay Dalka Kenya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300