Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Warar dheeraad ah AMISOM oo dad shacab ah dishay

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan dil Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay shalay gelinkii dambe nawaaxiga Degaanka Qurac-madoobe ee Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ugu geysteen Labo ruux oo shacab ah.

Dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ayaa dilkooda waxa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM, taasina ay sababtay Rasaas ay fureen Ciidanka AMISOM in ay disho dadkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka Ciidanka AMISOM ay dileen in uu ka mid ahaa Macalin Dugsi Qur’aan, waxaana jira in Ciidanka AMISOM ay horey u sii kaxeysteen ilaa Saddex ruux.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulle Shacleeye ayaa dhacdadaasi u xaqiijiyay Idaacadda Risaala.

Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300