Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Turkiga: In ka badan 100 milyan ayaan ugu deeqnay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ka badan 121.9 milyan oo doolar in ay ugu deeqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo Sanada 2011-kii.

Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Dalka Turkiga (AFAD) ayaa lagu xusay in lacagahaasi oo dhan ay ahaayeen kuwa lagu xoojinayay Dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu soo celinayay bilicda Magaalada Muqdisho.

Hay’addan ayaa xustay in dhaqaalahaasi badan qaarkood loo isticmaalay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Isbitaaallo, Iskuullo iyo Masaajido laga hegeliyay Caasimada Soomaaliya.

Waxaa Xukuumadda Ankara ay shaacisay in lacagaha ay bixiyeen qaarkood loo adeegsaday bixinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

Ugu dambeyn, Turkiga ayaa noqotay Dowlada labaad ee gargaar bini’aadannimo la garab istaaga Dalka Soomaaliya, sida lagu xusay warbixin caalami ah oo looga hadlayay arimaha Gargaarka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300