Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Nin weerari rabay Masjid oo la xukumay

Maxkamad ku taalla Magaalada Minneoples ee dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay nin ka soo jeeda Gobolka Minnesota Hal sano oo xarig ah maailntii shalay, kadib markii uu ku hanjabay in uu Qarxinayo Masjid.

Daniel Chorje ayaa qirtay dembigaasi Bishii November, waxaana uu sheegay in uu warqado handadaad ah u diray Masjidka Towfiiq Islamic Center oo ay ku Tukadaan dad Soomaali ah.

Waxa uu warqadaha ku qoray handadaadyo ay ka mid yihiin in uu Qarxinayo dhismaha iyo dadka soo galootiga ah ee ku jira Masjidka.

Fisher oo 57 sano jir ah ayaa Dambi baarista u sheegay in uu careysnaa una careysnaa Muslimiinta wixii ka dambeeyay weerarkii dhacay September 11-keedii sanadkii 2001-dii, waxa uuna sheegay in uu ka hor istaago dadka Muslimiinta ah, Masjid in ay ka dhistaan xaafadiisa.

Ku simaha xeer ilaaliyaha Gobolka Minnesota ayaa sheegay xukunkaasi in uu fariin u yahay dadka handadaada ama weerarada u geysta dadka kale, iyada oo sababtu ay tahay Diintooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300