Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Howlgalka AMISOM oo markale dalbaday Ciidaamo dheeraad ah in la keeno Somalia

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Dalka Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa taageero dheeraad ah u dalbay howlgalka AMISOM.

Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu sheegay in howlgalka AMISOM uu u baahan yahay Ciidamo dheeraad, si ay u taageeraan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in ujeedka AMISOM aan marnaba la hiigsan doonin hadii aan la helin baaqa ay jeedinayaan.

Waxuu carabka ku adkeeyay in Ciidamada AMISOM ay Dagaal xoogan kula jiraan Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Danjiraha Ururka Midowga Afrika ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay ku yeesheen Madaxda Midowga Afrika Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300