Published On: Fri, Mar 10th, 2017

Ciidankii Mushaar la’aanta ka cabanayay oo fasaxay Gawaaridii ay ku xanibeen Garoowe

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland oo habeen ka hor la wareegay Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa xalay saqdii dhexe dib u fasaxay Gawaarida halkaasi mudada dheer ku xayirnaa.

Waxgaradka ku sugan Magaalada Garowe dadaal dheer oo ay sameeyeen ayay ku guuleysteen in ay fasaxaan Gawaarida Ciidanka halkaasi ay ku xayireen, kuwaasi oo ka kala yimid Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Beledweyne.

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa weli waxa ay ku sugan yihiin Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe, waxaana weli ay dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda mushaarka ah oo aysan in mudo ah qaadan.

Baabuurtan ku xanibanaa Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe ayaa ahaa Gaadiid badan, kuwaasi oo si maalinle ah u geli jiray Magaalada sidoo kalena uga bixi jiray.

Maamulka Puntland illaa hadda kama uusan hadlin Ciidamadan Daraawiishta ka tirsan ee la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaalada Garowe.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300