Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Soomaalida Ku nool K/Afrika Oo Aqbashay Codsi kaga Yimid Madaxda Dowladda Soomaaliya


Munasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg ee Dalka koofur Afrika.Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur afrika , odayaasha, dhalinyarada iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha Ajnabiga ah ee ku dhaqan dalka Koofurka.

Masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadii lagu taageerayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in ay aad ula dhacsan yihin dowlada Cusub,waxayna u rajeyey in ay ku shaqeeyaan daacadnimo iyo alla ka cabsi.

Dhanka kale waxa ay shaaciyey in ay si toos ah u aqbaleen dalabkii Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee ahaa in loo gurmado dadka abaaruhu Saameeyeen,iyagoo sheegay in ganacsatada dalka koofur afrika in ay kaalin muuqato ka qaadan doonaan u gurmadka dadka abaaraha Saameeyeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300