Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Shirkada Albayrak oo Lacago ku wareejisey Gudiga Abaaraha

Shirkada Maamusha Dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay lacag ugu deeqeen Dadka ay abaarta ku saameysay Soomaaliya.

Shirkadaan oo Turkiga ka diin waan gishan waxay sheegeen in ay la xanuunsadeen Muuqaalo iyo Sawiro laga faafiyey dadka ay Abaartu salkicisey oo ku dhaqan meelo kala duwan Ee Gobollada Dalka.

Waxay Maamulka Albayrak ay shaaca ka dhigeen inay lacag gaareysa $50,000 Dollarka Mareykanka ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Lacagtaan ayaa lagu wareejiyey Xubnaha Gudiga Abaaraha Qaranka si ay ugu deeqaan ama ay wax ugu iibiyaan dadka Abaarta ku heysato deegaanadooda.

Dalalka Deeqaha Bixiya waxay sheegayaan inay lacago ay kutabaruceen Soomaaliya si loo bad baadiyo Shacabka abaarta ku le’anaya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300