Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Saraakiisha Ciidamada qabsaday Kastamka Garoowe

Ciidan ka carooday hadalka ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland, C/laahi Sheekh Axmed, ee ahaa inaanu jirin wax mushaaraad ah oo ka maqan Ciidamada Daraawiishta, ayaa qabsaday kastamka Wasaaradda Maaliyadda ku leedahay kontoroolka koonfureed ee Magaalada Garoowe.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta kastamka, ka dib markii ay isaga taggeen ilaaladii horey ugu sugneyd, oo culeys uu ka soo fuulay ciidanka gadoodsan.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Dayr Xaaji Cabdi, ayaa si carro leh kaga jawaabay hadalka Wasiirka Maaliyadda, waxaana uu ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog.

Taliye Ku Xigeenka, ayaa qeexay in Ciidamada Nugaal, Sool iyo Cayn uu ka maqan yahay mushaarka muddo 30 bilood ah. Xilli sida uu sheegay ay mudadaasi ku samrayeen danta dadka iyo dalka, ayuu waxa xilligan dareenkoodu kiciyay uu ku sheegay hadalka ka soo yeeray Wasiirka.

Korneyl Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax), Taliyaha Ururka Taliska Guud ee Daraawiishta Puntland oo ka barbar hadlaayay General Dayr, ayaa sheegay in uu ka maqan yahay 30 bilood oo mushaar ah iyo 32 bilood oo daryeelkii ay ku lahaayen Maamulka.

Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, Maxamuud Axmed Gubadle, ayaa sheegay in iyagoo dalka iyo dadkaba u turaaya ay doonayan in mushaaraadkoodu la siiyo, haddii la siin waayana, aanay cidina xuquuqdooda haysan karin.

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay in Wasiirka Maaliyadda Puntland uu ku fashilmay bixinta mushaaraadka ciidanka.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe, ayaa aad u hadalhaya gadoodka ay sameeyen Ciidanka Daraawiishta, ee ku doodaya in uu ka maqan yahay 30 bilood oo mushaar ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300