Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Kulan u socda Gaas iyo Golahiisa Wasiirrada

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa kulan gaar ah la leh Golaha wasiirrada Maamulkiisa waxaana looga hadlayaa amniga,dhaqaalaha,Abaaraha iyo horumarka.

Kulankan oo Todobaadle ah ayaa waxaa ugu weyn arrimaha Mushaaraadka Ciidanka taas oo sababtay in ilaa hadda Garoowe ay ka taagan tahay xiisad ay ka dambeeyaan Saraakiisha Ciidanka.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Maamulkiisa ayaa lagu eedeeyay in ay ka been abuurteen bixinta mushaaraadka Ciidamada waxaana Saraakiisha Ciidamada oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ay sheegeen in aysan saddex sano arag Mushaar.

Dhanka kale waxaa uu kulan u socdaa Odayaasha Dhaqanka ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ee ka careysan mushaar la’aanta waxaana Odayaashu doonayaan in Ciidamada ay xayiraadda ka qaadaan magaaalada Garoowe oo koontaroollo ka mid ah ay xireen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300