Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Howlgallo gaar ah oo ka socda Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay xaalada caafimaad ee Xildhibaan Bootaan oo shalay gelinkii dambe Gaari uu watay Qarax loogu xiray, islamarkaana uu ka soo gaaray dhaawac aad u xoogan.

Xasan Maxamed Khaliif Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay xaalada Xildhibaanka in ay wanaagsan tahay, inkastoo dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxii xildhibaanka Gaariga loogu xiray.

Dhanka kale Guddoomiyaha waxa uu sheegay in aysan jirin cid kale oo ay waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi, wuxuuna sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid loo soo qabtay Qaraxaasi Gaariga loogu xiray xildhibaan Bootaan, balse waxa uu sheegay in lagu raadjoogo raggii ka dambeeyay dhaawaca xildhibaanka.

Shalay ayay aheyd markii Qarax Gaarigiisa loogu xiray uu ku dhaawacmay Xildhibaan Bootaan, kaasi oo ka dhacay bartamaha Gaalkacyo, waxaana Masuuliyada Qaraxaasi sheegtay Shabaab.

Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad ayaa warbixinta warkan inooga soo diray Magaalada Gaalkacyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300