Published On: Thu, Mar 9th, 2017

Dekada Boosaaso oo la sheegay in UAE la wareegeen

Ilo wareedyo kala duwan ayaa waxay maalmihii dambe hadal hayeen in Dekada Boosaaso ay la wareegayaan Dawlada Imaaraatka Carabta.

Heshiis ayaa la ogaaday in uu dhexmaray Dawlad Gobolleedka Puntland iyo Dawlada Iskutaga Imaaraatka Carabta oo Dekada Boosaaso Ah Arinteeda.

Warar ay Heshay Mustaqbal Radio waxay sheegayaan in La dhameeyey saxiixa Heshiiskaasi balse dhawaan lasoo bandhigi doono Saxiixa labada dhinac.

Dekada Boosaaso oo ka mid ah Ilaha Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxa maamulkeeda hayey Puntland oo ka mid ah Dawlad Gobolleedyada hoos yimaada Dawlada Dhexe Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa odorosaya in xaalada ay sii xumeyn karto Xiriirka Imaaraatka Carabta iyo Hogaanka Soomaaliya Ee Farmaajo Madaxweynaha uyahay.

Waxa dhawaan jirtay in Warqad Dacwo ah ka gudbiyey Imaaraatka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana la sheegayaa in Hore Dawlada Soomaaliya kaga carootay Heshiiskii dhexmaray Soomaaliland iyo UAE Ee Ahaa Saldhiga Ber bera ka furanayaan Imaaraatku.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo Arintaan si faah faahsan looga hadlayo in Dekada Boosaaso loo gacan geliyey Shirkad Ka diin waan gishan Imaaratka Carabta.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300