Published On: Wed, Mar 8th, 2017

18;Soomaali ah oo la horgeeyay Maxkamadda Mombasa

18; Qof oo Soomaali ah una badan Dumar ayaa la horgeeyay Maxkamadda Magaalada Mombsa ee dalka Kenya waxaana lagu eedeeyay in ay sharci darro ku joogeen Kenya.

Maxkamadda ayaa iyada oo qaadeysa kiiska 18; qof oo saddex ka mid ah ay Carruur yihiin,waxaa uu qareenkii difaacayay ku dooday in dadka laga yaabo in ay ka warhayaan hay’adaha qaabila Qaxootiga.

Maxkamadda ayaa dadkan ku eedeysay in ay Kenya galeen iyaga oo aan heysan Dukuminti sax ah,waxaana kaddib gacanta ku dhigay ciidanka amaanka dalka Kenya kuwaas oo Maxkamadda ku wareejiyay.

Qaaddiga Maxkamadda Mombasa Kiage,ayaa amray in Hay’adaha Qaxooyiga qaabilsan ay keenaan caddeynta dadkan waxaana uu dib u dhigay.

Saddexda qof ee Carruurta ah ayaa ku sii jiri doona Xabsi Carruureed ku yaalla Mombasa kuwaas oo halkaas ay dowladda ku heyneyso ilaa ay Hay’adaha Qaxotiga ka keenaan Dukumintiyada dadka Soomaalida ah,

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300