Published On: Tue, Mar 7th, 2017

Kuuriyada Waqooyi oo mamnuucday in dadka u dhashay Malayshiya ay ka baxaan dalkeeda

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay dadka Malayshiya u dhashay ee dalkeeda jooga ay ka mamnuucayso in ay safraan, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda dublamaasiyadeed ee ka dhalatay dilkii Kim Jong-nam.
Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in xayiraadan socdaalku ay taagnaan doonto inta si wanaagsan looga xalinayo arrintii ka dhacday dalka Malayshiya.

Kim oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo dibad joog ahaa ayaa Malayshiya lagu dilay bishii hore.
Kuuriyada Waqooyina way diiday eedaymaha sheegaya in ay ka dambaysay dilkaas.

Waxay sidoo kale aad uga soo horjeedsatay baaritaankii Malayshiya ee dilka Kim waxayna diiday natiijadii ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyay maydkiisa kaas oo lagu sheegay in dilka Kim loo adeegsaday kiimikada halista ah ee VX oo neerfaha waxyeesha.
Pyongyang ayaan wali xaqiijinin in maydka la hayo uu yahay Kim Jong-nam waxayse ku sheegtay muwaadin u dhashay Kuuriyada Waqooyi.

Kim ayaa ku safrayay baasaboor uu ku qoran yahay magac ka duwan kiisa.
Inkastoo Malayshiya aysan si rasmi ah dilka ugu eedaynin Kuuriyada Waqooyi, haddana waxaa jira tuhun wayn oo ku aadan in Pyongyang ay ka dambayso.Dad kala duwan oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayay booliisku baadi goobayaan iyagoo lalal xiriirinayo dilka Kim.

Labo dumar ah oo u kala dhashay Indhunuusiya iyo Vietnam ayaa maxkamad loo soo taaagay dilka.
Malayshiya iyo Kuuriyada Waqooyiba waxay labadooduba eryeen danjireyaashii dalalkooda joogay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300