Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Xildhibaanada Hirshabelle ee Mooshinka Ka wada Madaxweynaha Maamulkaas oo sii kordhay

Xildhibaan Abdiwali Shiikh Cali oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle oo u waramayay markacadeey  ayaa uga warbixiyay kulan manta ay ku leeyihiin xildhibaano ka tirsan Hirshabelle Magaalada Jowhar kaasi oo ay uga arinsanayaan Mooshin ay ka gudbinayaan Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka ay leeyihiin xildhibaanadii ka soo horjeestay qaabkii Madaxwayne Cali Cabdulaahi Cosoble uu u soo magacaabay golaha wasiirada Hirshabeelle, waxa uuna tilmaamay in ay sii kordheen xildhibaanada qaybta ka ah mooshinka Madaxwaynaha maamulka hirshabelle kuwaa oo ka soo horjeestay qaabkii uu u soo magacaabay golaha wasiirada Maamulka Hirshabelle.

Ugu danbeyn Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii madaxwaynaha Hirshabelle uu hor yimaado Golaha Baarlmaanka Maamulkaas, ay dib iskugu laaban doonaan hadii uu ka laabto go’aanka uu ku soo Magacaabay golaha wasiirada.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo aadayo xilli maalmihii danbe ay jireen xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo ka soo horjeedo Madaxwaynaha Maamulkaas kuwaa oo sheegay in ay mooshin xil ka qaadis ah ka gudbinayaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300