Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Wasiir Maareeye” Dowladdu Afgooye ayaa ugu sokeysa Canshuur kama qaadato maxay wax ku qabataa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Muqdisho kula hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed Eedeymaha loogu jeediyo wax qabad la’aanta ay yihiin waxba kama jiraan.

Mr Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay kaliya Canshuur ka qaado Muqdisho , islamarkaana Afgooye oo ugu dhow ay lacagaha ka uruursadaan Maamulka Koofur galbeed.

“ Markaas baad na leedihiin dowladdu wax ma qabato waa Tuugo , haddii Sheekh Nuur Baaruud hoggaanka dalka loo dhiibo Tuug buu noqonayaa saa ma heysto wax uu wax ku qabtee” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maareeye.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya loogu baaqo wax ka qabashada Abaaraha ka jira dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300