Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Shaqaallo Ajnabi ah iyo doontii ay Saarnaayeen oo la qabtay

Wararka naga soo gaaraya degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen dooni ay saarnaayeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Yemen taasoo kalluumeysi sharci daro ah ka waday degaanada maamulka Puntland.

Doontaan ayaa la sheegay in ay  habeen Hore ay dulmartay Laash ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed , islamarkaana ay dhibaato gaarsiisay.

Doonida ayaa lagu haya tuulada Maraya oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimada degmada Eyl ee gobolka Nugaal sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka. Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay Kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya ay ka geysanayaan Maraakiibta iyo sidoo kale doonyaha laga leeyahay dalka Yemen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300