Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Ku dhawaad 200 baan u dilay Duterte dartii’

Sarkaal horey uga mid ahaan jiray booliska Philippines ayaa sheegay inuu dilay ku dhowaad 200 oo qof ka dib amar kaga yimi madaxweynaha dalkaaasi Rodrigo Duterte.

Askeriga oo hadda howlgab ah ayaa sheegay in dilka loo fuliyay si guud.
Rodrigo Duterte, oo hadda ah madaxweynaha Philippines, ayaa xilliga dilka uu dhacay ahaa maayar magaallo.
Arturo Lascanas wuxuu horey u diiday inuu dad badan u laayay Duterte aawadii, xilligii uu maamulayay Davao.
Balse, dhageysi dacwad oo si toos ah TV looga baahiyay ayuu Lascanas ka sheegay inuu markii hore been sheegay.

Duterte oo Obama ku yiri “Naarta ka Cab”
Duterte oo dagaalka uu kula jiro daroogada barbar dhigay kii Hitler
Madaxwaynaha Filibiin oo qirtay “in uu horay dad gacantiisa ugu laayay”
“Waxaan u baqay nolosha dadka aan jeclahay” ayuu yiri xilli uu ka hor marqaati furayay golaha aqalka sare ee Senate-ka Philippines.

Afhayeen u hadlay Duterte wuxuu sheegay in eedaha ay yihiin been abuur.
Laakiin marqaati kale ayaa cadeyn taasi la mid ah bixiyay, sanadkii la soo dhaafay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300