Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Khadra Shidane: “Diyaaradeyda waxaa ay Itoobiyaanka u celiyeen markii aan u diiday in aan u tago

Khadra Cabdi Shidane; oo ah Haweneey Soomaali ah oo ka ganacsata Qaadka ayaa ka hadashay sababta Diyaarad u rarneyd iyada shalay looga celiyay Baardheere oo ay heystaan Ciidamada Itoobiya.

Khadra oo wareysi siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay in Ciidanka Itoobiya ee jooga Baardheere ay ku amreen in ay iyada nafteeda ugu tagto xerada ay ka degganyihiin Baardheere laakiin ay  ka diidday.

Waxaaa ay sheegtay in Ciidanka Itoobiya ay u sheegtay in haddii y iyada wax uga baahanyihiin u maraan Guddoomiyaha Degmada Baardheere balse aysan iyada u tageyn taas oo sababtay in Diyaaraddii Qaadka ee ay ka dejin jirtay Baardheere ay Ciidamada Itoobiya u diideen shalay in ay halkaas ka degto.

Khadra,waxaa ay sheegtay in Qof ka mid ah Ganacsatada Qaadleyda ee Gobolka uu ku dacweeyay Ciidanka Itoobiya,markii ay u yeereenna u sheegtay in ay arrintaas kala hadlaan maamulka Degmada Baardheere.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300