Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Gaas o ka hadlay isku shaandheynta Golaha wasiirrada

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uhoreysay ka hadlay  hadal-heynta la xariirta Isku shaandheynta xubnaha golaha Xukuumada ee Maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lala xisaabtami doono wasiir kasta, wuxuuna sheegay in 26-kii bishii lasoo dhaafay uu ahaa waqtigii uu horey ugu qabtay la xisaabtanka wasiiradiisa, laakiin ay dibu dhacyo ku yimaadeen howlaha laga hayo Boosaaso awgeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay maqlayaan wararka Suuqa ee la xariira isku shaandheynta Xukuumada, wuxuuse sheegay in golaha Xukuumada iyo maamulida dawladnimadu ay Xaafiiska Madaxtooyada iyo laamaha Maamulkiisa tahay ee aysan aheyn wararka Suuqa.

Madaxweyne Gaas wuu ka gaabsaday in uu sheego waqti iyo isku shaandheyntoona, isagoo sheegay in uusan ka jawaabi doonin arrimahaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300