Published On: Mon, Mar 6th, 2017

France: Siyaasi diiddan inuu ka hadho tartanka madaxtinimada

Siyaasiga muxaafidka ah ee Faransiiska, Francois Fillon, oo lagu hayo baadhitaano la xidhiidha inuu qoyskiisa si sharci darro ah u siiyay lacago, ayaa sheegay in aanay jirin cid ku dirqiyi karta inuu ka baxo tartanka madaxtinimada.

Waraysi uu telefishan siiyey ayuu ku nuuxnuuxsaday in ololihiisu sii socon doono inkasta oo ay xubno ka tirsanaa xisbigiisa Republican Party ka baxeen xisbiga.

Hogaamiyeyaasha xisbiga ayaa la filayaa in ay maanta oo Isniin ah go’aan ka gaadhaan tallaabadii xisbigu qaadi lahaa, iyadoo saddex xubnood oo saamayn lihi soo jeediyeen in ninkii uu tartanka kaga adkaaday oo ah Ra’isal wasaarihii hore, Alan Juppe, lagu bedelo.

Juppe laftiisa ayaa isaguna sheegay inuu saaka warbixin soo saari doono.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300