Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo Dib loo dhigay

Golaha Guurtida Maamulka Somalilad ayaa Maanta isku Raacay in Doorashooyinka Maamulka Somaliland dib loo dhigay islamarkaana la isku raacay Xilliga la qabanayo Doorashada.

Doorashada Madaxwaynaha waxaa ay u asteeyeen in la qabto 13-12-2017.

Golaha wakiilada waxaa la kordhiyey muddo laba sano waxaana doorashada la qabanayaa 28-04-2019.

Doorashada Golaha Deegaanka waxaa loo asteeyay 28-04-2019.

Doorashada Golaha Guurtida waxaa la qabanayaa 28-04-2020.

Madaxwayaha Somaliland waxaa markii labaad ee loo kordhiyo.

Golaha wakiilada waa Markii Saddexaad ee Loo kordhiyo.

Golaha Deegaanka waxaa markii Koowaad, golaha guurtida Somaliland wali doorasho lagu soo xulanayo xidlhibaanadaasi lama qaban oo waxay fadhiyaan muddo ku dhaw 26sano.

Xisbiyada Siyaasada Somaliland ayaa soo dhaweeyay Go’aanka golaha guurtida Somaliland ka qaatay Doorashooyinka Somaliland balse Xisbiga Mucaaridka ee UCID waxaa uu kasoo horjeestay muddo kordhinta golaha Guurtida, wakiilada iyo Deegaanka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300