Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Degaano ay maamulaan Shabaab oo gargaar la gaarsiiyay

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysan degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan dadka dhibaateysan ee degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ku sugan iney si siman u gaarsiinayaan gurmadka.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim oo Wareysi siiyay markacadeey  ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii gurmad joogta ah loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in gurmadka ay ku wareejiyeen dad ehel la ah kuwa ku sugan degaanada ay Al-Shabaab Maamulaan si dadkaasi dhibaateysan caawinaad u helaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in ay u gurmadaan dadka dhibaateysan ee ku sugan degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu ka taliyo ee gobolada Baay, Bakool iyo Sh/Hoose ayaa waxaa ka jira abaar saameyn badan ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana soconaya gurmadka la gaarsiinayo dadkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300