Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DF oo ku dagaalamay Muqdisho

Wararka laga helayo duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Galgalato ayaa ku soo warramaya in halkaas uu ka dhacay iska hor’imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku Geeriyooday Iska Hor’imaadkii u dhexeeyay  Ciidamadaasi ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee kaa dhacay deegaanka Galgalo ee duleedka Muqdisho.

“ Iska hor’imaadka waxa uu ka dhashay Kontarool meesha wax ka dhaceen ku yaalla oo Ciidamadu ay isku maandhaafeen Qashinka waa lagu shubaa iyo laguma shubaayo” sidaas waxaa yiri qof deegaanka ah.

Maaha markii ugu horreysay oo Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya uu Iska hor’imaad ku dhexmaro Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300