Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Cabasho ka soo yeertay Shacabka degmada Waaberi

Shacabka ku nool degmada Waaberi ee gobolkaan Banaadir ayaa xiligaan waxaa ka soo yeereysa cabasho ballaaran oo ku aadan dhibaatooyin ka soo cusboonaaday degmadaas.

Qaar kamid ah Shacabka degmadaas  ayaa waxay sheegeen in xiliyada qaar degmada lagu arko kooxo hubeysan oo qaarkood wata dareeska Ciidanka dowaldda oo dadka ka dhacay Moobeelada iyo wixii agab kaloo ah oo ay wataan.

Sidoo kale dadkaas ayaa ka dalbaday Maamulka Gobolkaan Banaadir iyo kan degmada Waaberi in kooxahaas dadka dhacaya y wax ka qabtaan si bulshada degmada Waaberi ay u Nabad-galaan.

Dhanka kale Xiriir aan la sameynay maamulka degamda Waaberi ayaanan noo suurta gelin si aan wax uga weeydiino Cabashada ka imaaneysa Shacabka degamadaasi Waaberi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300