Published On: Mon, Mar 6th, 2017

Askari U Dhashay Uganda Oo Ragganimadiisa Ku Waayey Jir-Dil Ay U Geysteen Saraakiil AMISOM Oo Dib Loogu Soo Celiyey Muqdisho

Ciiddanka Uganda ee Difaaca Dadka ee UPDF waxay Talaadadii la soo dhaafay si aan la ogeyn dib ugu soo celiyeen magaalladda Muqdisho Askari ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM, kaasi oo Xubintiisa Ragganimadiisa ku waayey Jir-dil ay u geysteen Saraakiil sarsare.

Wargeyska The Daily Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa bishii December ee sannadkii hore soo bandhigay Dhibaatada loo geystay Askarigaasi oo lagu magacaabo Majibu Ssebyara.

Qareenka Xuquuqda Aadanaha ee Ivan Mugabi oo Kiiskan gacanta ku hayey muddo 2-sanno ayaa shalay u sheegay Wargeyska Saturday Monitor inuu Dhibanaha kula hadlay Telefoonka maalintii Talaadada ee la soo dhaaafay, una sheegay inuusan Dacwada sii wadi karin Qareenadiisa La’aantooda.

Ivan Mugabi  waxa kale oo uu sheegay in Askariga Dhibanaha ah iyo 4 Askari oo kale oo aan magacyadooda la shaacinin laga soo saaray Xabsi ku yaalla Xeradda Milliteriga Makindye ee magaalladda Kampala, kadibna la saaray Diyaarad ku sii jeeda Muqdisho.

Farriin Qoraal SMS oo uu Wargeyska Daily Monitor arkay ayuu Askariga Dhibanaha ku sheegay in loo duuliyey Muqdisho, isla markaana uusan ogeyn waxa uu la kulmi doono.
Shanta Askari ayaa la sheegay inay la socdeen Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Milliteriga Uganda, kuwaasi oo la filayo inay Kiiska Dacwadaasi dib ugu dhegeystaan Xeradda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Sarreeye Guuto Richard Karemire ayaa u sheegay Wargeyska inaysan jirin cid ay si qarsoodi looga saaray Uganda, wuxuuna intaasi ku daray  haddii Askariga Dhibanaha loo duuliyey Somalia tahay Arrin Maxkamad oo ay Maxkamadda Milliteriga gacanta ku hayso.

Askariga Dhibanaha ee Majibu Ssebyara ayaa waxay dhibaatadu qabsatay bishii June ee sannadkii 2015-kii, xilligaasi oo uu ka mid ahaa Ciiddanka Uganda ee saldhigga ku lahaa Gobalka Sh/hoose.

Waxayna Saraakiisha ku soo oogeen inuu xaday ama iibsaday rasaasta Lidka diyaaradaha, taasi oo keentay inay Saraakiisha jir-dilaan ilaa uu ku waayey ragganimadiisa.

Dhinaca kale, Labo Sarkaal oo lagu kala magacaabo Kolonel Frank Kyambadde iyo Gaashaanle Tom Bbalibya iyo Gaashaanle Rafel; Mugisha waxay si wadajir ah  Maxkmadda Milliteriga ee Uganda u hor tegeen bishii August 25-dii  iyo September 14-dii ee sannadkii hore, waxayna sheegay inuu Askarigadhibanaha uu  rasaastaasi ka iibiyey Nin Somali ah oo ay ku heshiiyeen inuu rasaastaasi ka iibiyo.

Xigasho: Monitor

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300