Published On: Sun, Mar 5th, 2017

Shiinaha oo kordhinaya kharashka Milateriga

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono 7% kharashka ku baxa milatarigiisa sannadkan.

Caddadka rasmiga ah maanta ayaa shaaca laga qaadi doonaa, marka baarlamaanka Shiinaha, golaha qaranka ee shacabka, uu billaabo kal-fadhigiisa sannadlaha ah.

Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxweyne Trump uu hoosta ka xarriiqay qorshayaal lagu kordhinayo kharashka ku baxa milateriga, ku dhawaad 10%.

Sarkaal sare oo Shiinees ahayaa sheegay in Beijing ay u baahan tahay inay awood u yeelato ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaheeda.

Sannadihii u dambeeyey Shiinuhu wuxuu casriyeynayey ciidankiisa qalabka sida.

Dad badan oo wax indha-indheeya ayaa su’aal galinaya sida ay sax u tahay caddadka miisaaniyadda xagga difaaca, ayagoo sheegay in ay tahay mid aad uga badan inta la sheegay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300