Published On: Sun, Mar 5th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo Ku simaha Madaxweynaha Galmudug kala hadlay arimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Somaliya Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho Kulanka oo dhinacyo badan la isaga xog wareystay ayaa masuuliyiin ka tirsan Galmudug, waxa ay Dhacdo.com u sheegay arimaha xasaasiga ah ee la isla soo hadal qaaday inay qayb ka ahaayeen doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug oo qorshaha uu yahay bishan gudaheeda inay ka dhacdo Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa masuuliyiinta Galmudug kula dar daarmay doorashada inay u qabtaan si hufnaan iyo cadaalad ku saleysan, islamarkaana ay ku dheehan tahay rabitaanka shacabka Galmudug.

Waxa uu Madaxweynaha u sheegay Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug, dowladda Somaliya inay ka qayb qaadan doonto arimaha doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana Cadaado ay tagi doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dhankiisa balan qaaday in doorashada ay ku dhici doonto hanaan cadaalad ku saleysan, maadaama uu horay isku casilay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Maxamed Xaashi, ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu kala hadlay arimaha ku aadan abaaraha ka taagan deeganada Maamulka Galmudug iyo sidii kaalin muuqata dowladda ay uga qayb qaadan laheyd u gurmashada bulshada dhibaateysan.

21 Bishan ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug oo masuuliyiin kala duwan xusul duub ay ugu jiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300