Published On: Sun, Mar 5th, 2017

Ciidamada Kenya oo feejignaan dheeri ah la geliyay, cabsi Shabaab laga qabo

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay weeraro qorsheysan oo Al Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo sidoo kale saldhigyada ay ku leedahay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Somaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgalo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo sidoo kale xadka ay wadaagaan labada dal.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Mombasa iyo sidoo kale Mandera.

Taliyaha guud ee ciidanka Difaaca dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah , islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay ka soo gudbaan xadka wadaagaan labada dal.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay suurta gal tahay in Al-Shabaab ay ku soo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Somaliya iyo Kenya kadib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300