Published On: Sun, Mar 5th, 2017

150; Qof oo ku dhimatay dagaal u dhaxeeya Maamullada Oromada iyo Somalida Itoobbiya.

Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya in dowladda Federaalka ee Itoobiya ay dagaal ku heyso dadka Oromada ah iyada oo adeegsaneysa Ciidanka Liyuu Boolis ee hoostaga dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in howlgallo ka dhan ah dadka Oromada ay ka billaabeen Gobollada Oromada islamarkaana ay dhinteen 150 Qof 4tii bil ee ugu dambeeyay.

Dowladda Itoobiya ayaa hawada ka saartay TV-ga Afka Oromada ku hadla ee Oromiya TV,waxaana lagu eedeeyay in uu ka bad badiyay baahinta colaadda ay Dowladda gadaal ka riixeyso ee lagu fulinayo Ciidamada Soomaalida ah. 14 Degmo oo ka tirsan dhulka Oromada ayaa dhulka lala simay kuwaas oo kala ah Qumbi, Cinaksan, Midhaga Tola, Gursum, Mayu Muluqe and Babile in East Hararghe; Bordode in West Hararghe; Dawe Sarar, Sawena, Mada Walabu iyo Rayitu oo ka tirsan Gobolka Baali.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa la aas aasay 2007dii markii Jabhadd Mucaaridka ee Ogadeniya ay dishay 74 Askari oo Itoobiyaan ah,9 Shaqaale Shiineys ah sidoo kalena dab qabadsiisay goob laga qodayay Shidaal oo ku taalla Dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya heysato.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Itoobiya iyo maamulka Somalida ee Itoobiya hoostaga ku eedeeyay in ay dabargoyn ka wadaan dhulka Oromada ee ka tirsan Federaalka Itoobiya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300