Published On: Sat, Mar 4th, 2017

Mucaaradka Liibiya oo weeraray xarumo shidaal

Wadanka liibiya waxa ka bilowddey dagaal cusub oo la isku hirdidayo dekadaha laga dhoofiyo saliida.

Malayshiyada loo yaqaano cutubka difaaca Bengaasi ayaa weerarey dekadaha waaweyn Es Sidaar iyo Raas Lanuuf oo saliida laga dhoofiyo.

Weerarkooda aya lagaga jawabey duqaymo cirka ah oo ay soo qaadeen ciidamada ka amar qaata hogaamiyaha meleteriga, Khaliifa Xaftaar oo gacanta ku haya deegaano badan oo ku yaala barriga liibiya.

Ciidamadiisa oo loo yaqaano Ciidamada Barriga Liibiya ayaa maamulayey dekadahan ilaa bishii sebtember ee sannadkii aynu soo dhaafney inkasta oo dhowr jeer lasoo weeraray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300