Published On: Fri, Mar 3rd, 2017

Somaliland oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo joojin karin saldhiga Imaaraatka ee Berbera

Somaliland ayaa markii uhoreysay ka hadashay kulan Boqortooyada Sucuudi carabiya ku dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka difaaca Sucuudiga oo looga hadlay saldhiga Imaaraadka uu ka dhisanayo Berbera.

Wasiir kuxigeenka madaxtooyada Maamulka Somaliland Axmed Xaashi C/llaahi ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay in Sucuudiga uu ka joojiyo Imaaraadka qorshaha ay ku difaaceyso dalkeeda.

Axmed Xaashi ayaa tilmaamay in Somaliland umadaxbanaantahay iney heshiisyo la gasho dalalka caalamka isla mar ahaantaasna uusan ka hor joogsan karin Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sucuudiga ka codsaday iney Imaaraadka ku qanciyaan iney iska daayaan saldhigaas maadaama dowladda Soomalaiya aysan waxba ka ogeyn uuna khatar ku yahay amnia Soomaaliya iyo guud ahaan Mandiqada.

Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa Madaxweyne Farmaajo usheegay oo kaliya inuu xaqiijiyo amniga Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan halkii uu kaga mashquuli lahaa Somaliland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300