Published On: Fri, Mar 3rd, 2017

QM oo sheegtay ku dhawaad 50-kun oo Qaxooti ah in lagu soo celiyay Somalia

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan Qaxooti Soomaliyeed h ay dib ugu soo celiyeen qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hay’adda UNHCR ayaa qeexday in 49,376 oo Qaxooti ah ay dib ugu soo celiyeen Dalka Soomaaliya, tan iyo markii ay bilaabatay dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed bishii December ee Sanadii 2014-kii

Madaxda Hay’adda UNHCR ayaa waxuu sheegay in marwaliba ay ku howlan yihiin taageerida Qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxuu xusay in kuwa la soo celiyay ay yihiin kuwa markoodii hore doonayay in ay ku soo laabtaan Dalka Soomaaliya.

Dhawaan ayee aheyd markii UNHCR ay ka digtay in cuno yari ay wajahaan Qaxooti ku nool ilaa 10 Dal oo ku yaalla Afrika.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300