Published On: Fri, Mar 3rd, 2017

Kenya oo sheegtay in 50 Shabaab ah ay ku dishay Gobolka Jubbada Hoose

Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee Wadanka Kenya ayaa sheegtay in Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Dagaalameyaal aad u badan oo ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in illaa 57 Dagaalame oo Shabaab ah ay ku dileen Agagaarka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana Howlgalkaas ay ka Gacan siiyeen Kenya Ciidamo Mareykan ah.

“Waxaan halkaas ku dilnay Shabaab aad u badan oo doonayay in ay qaadaan Weeraro lagu dhibaateeyo Dad aan waxba galabsan,markii aan Xogtaas helnay ayaan ku duulnay”ayey Warbaahinta Kenya u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Al-shabaab iyo Maamulka Jubbaland weli kama hadlin Howlgalka Kenya ay sheegtay in ay ku dishay Kontomeeyo Al-shabaab ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300