Published On: Fri, Mar 3rd, 2017

Gaari Walxaha Qarxa siday oo lagu qabtay Gaalkacyo

Taliska Ciidamada ammaanka ah ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay war ka soo saareen Gaari Walxaha Qarxa siday oo dhowaan lagu qabtay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Gaarigan siday Walxaha Qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano Candha-meedlaha, isagoo isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Boosaaso iyo Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Taliska Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen baaris kadib in la ogaaday in Gaarigaasi waday Walxaha Qarxa la doonayay in lagu Qarxiyo shacabka Puntland.

Dhanka kale Saraakiisha ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Howlgallo laga sameeyay Degaanada Camaara iyo Bacad-weyn ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxayna sheegeen in ay ku bur buriyeen saldhig halkaasi ay ku lahaayeen Shabaab.

Hadaba Daraawalkii waday Gaariga Candha-meedlaha ah ee lagu qabtay Walxaha Qarxa ayaa waxa uu ka sheekeeyay sida loo qabtay iyo Gaariga sida lagu soo saaray Walxaha Qarxa.

Warbixinta Warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300