Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Shirkado ka cabanaya Maamulka G/Banaadir

Midowga Maareynta Nadaafada Gobolka Banaadir oo ah shirkado ku bahoobay dib u soo celinta bilicda Magalada Muqdisho oo inta badan olole Nadaafadeed ka fuliyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu fara gelin ku hayo shirkadahan.

Nuur Aadan Ibraahim Madaxa shirkadda Green Life oo qeyb ka ah shirkadaha ku bahoobay Midowga Maareynta Nadaafada Gobolka Banaadir ayaa War-saxaafadeedka u aqriyay warbaahinta.

Sidoo kale Nuur Aadan Ibraahim ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre, iyo Guddoonka Labada Aqal ugu baaqay in ay ummada u horseedaan Cadaalada kana hortagaan tacadiyada Maamulka Gobolka Banaadir u geysanyo Ganacsatada. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale waxaa loogu eedeeyay in ay isdaba marin ku sameeyeen shirkadihii Nadaafada ee ka howlgalayay Muqdisho, sidoo kalena ay ku bedeleen kuwo kale oo ay iyagu keensadeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300