Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Shabaab oo culeys soo saaray Magaalada Muqdisho

Ururka Al Shabaab, ayaa culeys soo saaray Magaalada Muqdisho, iyadoona laga dareemay dilalka iyo qaraxyada qorsheysan ee ay ka gaysanayan magaalada.

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacaayay qaraxyo maalinle u muuqday, oo ay barbar socdeen dilalka qorsheysan, ee ay mintidiintu la beegsaneyso qaybaha bulshada iyo weliba Ciidamada Dowladda.

Dilalka iyo qaraxyada waxay kordheen, ka dib markii Saraakiisha Shabaabka ay ku cago jugleeyeen in si adag ula dagaalami doonaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in cid aan Shabaab ahayn, aanay Magaalada Muqdisho ka gaysan dilal iyo qaraxyo, intaba.

Madaxweynaha Somaliya oo Arbacadii ka hor hadlaayay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa Shabaabka ku eedeeyay in habeen iyo maalinba ay dilayan shacbiga Somaliyeed, iyagoo aan u kala saareen rag iyo dumar, carruur iyo ciroole, culimo iyo caamo, intaba.

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee degan Caasimadda Muqdisho, ayaa dhaq dhaqaaqyadoodii yareeyay, iyadoo aan sidii hore loogu arkayn goobaha ay bulshadu ku badan tahay sida masaajida iyo goobaha kale, ee ay bulshadu isugu timaado.

Tani waxay ka dambeysay markii mintidiinta ay kordhiyeen dilalka ka dhanka ah Odayaasha Dhaqanka, iyagoo markaasi ku eedeynaya in ay ka qayb qaateen doorashadii dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo saacadihii ugu dambeeyay la kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ku amray in ay wax ka qabtaan xasilooni darrada ka jirta Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300