Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Malayshiya oo joojisay heshiiskii dal ku gal la’aanta ee Kuuriyada Waqooyi

Dawladda Malayshiya ayaa soo afjartay hannaankii dadka Kuuriyada Waqooyi u ogolaanayay in ay dal ku gal la’aan u soo safraan dalkooda, sida uu sheegay ra’iisalwasaare ku xigeenka dalkaas Axmad Zahid Hamidi, isaga oo ku sababeeyay arrimo ammaan.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Malayshiya ay baadigoobayso dad u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo lagu tuhansan yahay in ay qayb ka ahaayeen dilka Kim Jong-nam
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi walaalkii ayaa dhintay 13 Feebaraayo isaga oo lagu sumeeyay kiimo neerfaha wax yeesha VX.

Labo dumar ah oo loo haysto dilka Kim ayaa dacwad lagu soo oogay Arbacadii.
Labo dumar ah oo maxkamad loo soo taagay dilka Kim
Amniga maydka Kim Jong-nam oo aad loo adkeeyay
Baaritaankii maydka Kim Jong-nam oo la soo gabogabeeyay
Dilka Kim Jong-nam oo khilaaf dublamaasi dhaliyay Doan Thi Huong oo reer Vietnam ah iyo Siti Aisyah oo ree Indhunuusiya ah ayaa lagu eedeeyay in ay wajiga sun ka mariyeen Kim oo isu diyaarinayay in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malayshiya.

Way diideen eedaymaha dilka, iyaga oo sheegay in ay rumaysnaayeen in ay ka qayb qaadanayeen barnaamij shactiro ah ah oo Telefishin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300