Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Kulan looga hadlayay amniga Boosaaso

Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan Nabadoonada Gobolka Bari ayaa waxa ay kaga hadleen Nabadgelyada Magaalada Boosaaso, oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga.

Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan shacabka ay anfaceyso Nabada, dhibkana ay ku dhacdo dad gaar ah, iyagoo sidoo kale sheegay Nabaoonada in looga baahan in ay ilaaliyaan Nabada.

Sidoo kale Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland u soo jeedinayaan baaq nabadeed, maadaama nabada ay tahay mida keliya ee lagu wada noolaan karo. Ugu dambeyntii Waxgaradkan ayaa waxa ay sheegeen Maamulka Puntland, Shacabka, Isimada, Waxgaradka dhammaan in looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan Nabada, si Hormar loo gaaro.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300