Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Faah faahin Dil xalay ka dhacay Baydhabo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dil xalay ka dhacay xaafada Mursal ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeeyay dilka Haweeneydan, waxaana ay ku dileen xaafada Mursal ee Magaalada Baydhabo, intaasi kadib Dableydii ayaa isku dayday in ay baxsadaan balse saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen raggaasi.

Haweeneydan la dilay oo aheyd Ganacsato ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xamarey, waxaana si weyn looga yaqiinay Magaalada Baydhabo, sida ay inoo sheegeen Dad deris la’ah Marxuumada la dilay.

Raggii ka dambeeyay dilka Haweeneydan ayaa waxaa la geeyay saldhiga Magaalada Baydhabo, waxaana qabashadooda ay timid kadib markii xog ku aadan raggan ay shacabka siiyeen Ciidamada ammaanka.

Warar hoose oo ay Risaala heshay ayaa sheegaya in Haweeneydan la dilay ay wax ka iibin jirtay Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo in ay ka mid ahayd Ergadii xildhibaanada ku dooratay Magaalada Baydhabo, inkastoo ilaa iyo hada xaqiiqo rasmi ah aanan loo heyn dilkeeda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300