Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Dab dad ku laayay warshad qadiimi ah oo ku taala Melbourne

Saddex ruux ayaa looga shakisan yahay in ay ku dhinteen dab qabsaday warshad aan shaqaynaynin oo ku taalla magaalada Melbourne, ee dalka Australia.

Dabdamiska ayaa loo yeeray ka dib markii lagu wargaliyay in qarax la maqlay.

Afartan daqiiqo ayay ku qaadatay dab damisku in uu dabka bakhtiiyo ka hor inta aysan saddex ruux oo mayd ah ka helin gudaha. warbaahinta deegaanku waxay ku warantay in dadka dhintay loo malaynayo in ay kala yihiin labo rag ah iyo qof dumar ah.

Warshadda waxaa guryo ahaan u adeegsan jiray inta badan dadka hoy la’aanta ah.

Khuburo dabka ku takhasusay ayaa baari doona waxa sababay dabka, sida ay booliisku sheegeen.

Maxamed Cali oo taksiile ah oo goobjoogeyaasha ka mid ahaa ayaa sheegay in uu qaylo ka dhex maqlayay warshadda.

“Intaas ka dibna dabka oo soo kacaya ayaan arkay” ayuu ku yiri warbaaahinta Australian Broadcasting Corp.

Les Twentyman oo caan ku aha ka shaqaynta arrimaha dhalinyarada ee magaalada Melbourne ayaa sheegay in dadka hoy la’aanta ah ay marar badan hoy ahaan u isticmaali jireen goobtaas.

Warshadan ayaa shaqayn jirtay 1903 ilaa 2002dii, markii la xiray ka dibna dawladda ayaa dabada ka riixaysay qorshe goobtaas lagaga dhiso dhismeyaal badan oo deegaaan ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300