Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Australia oo lacag ugu deeqday Abaaraha Somaliya iyo K/Suudaan


Dowladda Australia ayaa lacag dhan $20 Milyan oo dollar ugu deeqday abaaraha aku dhuftay Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan,waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taakuleynta waddamada Afrika ee la dagaallamaya abaaraha.Koofurta Suudaan ayaa la sheegayaa in 7 Milyan oo qof ay abaartu aad u saameysay kuwaas oo milyan ka mid ah ay Carruur yihiin,waxaana ay wajayahaan  nafaqo darro aad u daran,sidoo kale 340,000 oo Haween ah ayaa nafaqa darro iyana wajahaya kuwaas oo ku nool dalka Koofurta Suudaan.

Dhanka kale Soomaaliya lix Milyan oo Qof ayey Hay’adaha Qaramada Midoobey sheegeen in ay abaartu saameysay  una baahanyihiin kaalmo deg deg ah,waxaana haddii aan la helin ay sheegeen in ay dhici karto abaartii 2011kii oo kale.

Australia waxaa ay sheegtay in lacagtaas ay ku bixi doonto gurmadka deg degga ah,raashinka,Biyaha,Caafimaadka,nadaafadda iyo wax ka qabashada Beeraleyda aan Roobka helin.

Waxaa ay Dowladda Australia intaas ku dartay in ay fulinta howsha la kaashan doonto  Hay’ada Qaramada Midoobey ee ay wadaayga yihiin,Hay’adaha aan dowliga ahayn ee la aamini karo iyo Hay’adaha waddamada ay ka howlgaleyso.

Australia waxa aay sheegeysaa in lacagta ay hadda yaboohday ay ka dhigeyso $120 Milyan oo dollar tan iyo 2014kii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300