Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

AMISOM Oo Walaac Ka Muujisay Gaabiska Kaalmadda Deeq-Bixiyayaasha Ee Hawlgalka Somalia.

Saraakiisha sarsare ee Taliska AMISOM ayaa waxa uu Kulan muhiim ah ku leeyihiin Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo ay dib ugu eegi doonaan Miisaaniyadda Hawlgalkooda ee sannadkan 2017-ka.

Kulankaasi oo socon doona muddo 5 maalmood waxay Ka-qeyb-galayaasha dejin doonaan Faahfaahinta Qorshha iyo Miisaaniyadda

Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inay doonayaan iny qorsheyeeyaan Faafinta shaqada Unug kasta oo ka tirsan AMISOM.

War-saxaafadeed uu ka soo saaray  magaalladda Nairobi ayuu ku sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka maalgelinta tiro ka mid ah Barnaamijyadda AMISOM,  wuxuuna ku sababeeyeen Awoodda Deeq-bixinta oo aad u soo yaraatay.

Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM waxa uu sheegay in la joogo xilligii ay Deeq-bixiyayaasha garwaaqsan lahaayeen inay iyagu qeyb ka yihiin Xal-u-helida Xiisadda ka jirta Somalia.

Waxa uu intasi ku daray inay Waajib tahy in laga wada shaqeeyo sidii ay Somlia u noqon lahayd Dowlad Waxtar leh, wuxuuna Deeq-bixiyayaasha xusuusiyey inaysn Degnanshaha Somalia tahay Hawl u taalla Midowga Afrika oo keliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300