Published On: Thu, Mar 2nd, 2017

Ahlu-sunna “Waan u midooweynaa cadowgeena”

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ka hadlay ansixintii shalay Baarlamaanka Federaalka ay codka Aqlabiyada ah ku siiyeen Ra’iisul Wasaarha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxa uu sheegay shaqo wanaagsan in uu u rajeynayo Ra’iisul Wasaarha cusub ee Soomaaliya oo ay hor yaallaan shaqooyin badan oo ay ka mid tahay in uu soo magacaabo Golahiisa Wasiirada cusub iyo in uu wax ka qabto xaalada uu hada dalka ku jiro.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay ka Maamul ahaan in ay soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha, si loo gaaro guulo muhiim ah oo wadajir ah.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa waxa uu sheegay cuno qabateyntii Maamulkii Hore Gobolada Dhexe uu saaray in ay dhamaatay, hada wixii ka dambeeyana ay mdoobi doonaan Gobolada Dhexe, si cadowgooda ay isaga difaacaan.

Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay ansixiyay Ra’iisul Wasaraaha cusub ee Soomaaliya oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300