Published On: Wed, Mar 1st, 2017

UNHCR oo sheegtay in 50 kun oo Qaxooti ah ku laabteen Somaliya

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in 50,000 oo  Soomaali ah ay dib ugu celisay Soomaaliya tan iyo 2014kii .

Hay’adda ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ku sheegtay in Dadkaas ay inta badan iskood isu diiwaan geliyeen islamarkaana la geeyay dalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Dhoobley,Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhaba ayey UNHCR sheegtay in la geeyay inta badan dadkaas islamarkaana ay wali socoto dib u celintooda.

Maalmaha Isniibta,Talaadada,Arbacada iyo khamiista ayaa dadka is diiwaan geliya loo so qaadaa Soomaaliya iyada oo hadda Gaadiidka ugu badan uu noqday duullimaadka diyaaradaha inkasta oo uu midka dhulku jiro haddana waxaa aad xoogga loo saaray diyaaradaha tagaya Koofurta Soomaaliya.

Feb,23 kaliya waxaa Xerada Kaakuma dib u dejin loogu sameeyay dad gaaraya 2,431 oo qof oo Soomaali ah kuwaas oo isu diyaarinaya dib ugu laabashada Soomaaliya.

Dadka Qaxootiga ah ee ku sugan Waddamada Cameroon, Chad, Kenya, Mauritania, South Sudan iyo Uganda,ayey WFP, sheegtay in ay 50% ka go’day cuntada sidoo kalena inta hadda heystaanna aysan la heyn tayo iyo tiro ku filan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300