Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Meel uu madaxweynaha Faransiisku ka khudbadaynayay oo dad lagu dhaawacay

Mid ka mid ah booliiska shiishka ku takhasusay ee dalka Faransiiska ayaa xabbad ku dhaawacay labo ruux oo ku sugnaa meel uu khudbad ka jeedinayay madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande.

Askariga ayay xabaddu ka dhacday isaga oo saaran meel kore oo 100 mitir u jirta madaxweynaha isaga oo isku dayaya in uu aag badasho, xabadda ayaana labo ruux isu sii martay.

Dhaawaca labada ruux soo gaaray ma aha mid halis ah.
Madaxweynaha ayaa khudbadda ka jeedinayay teendho laga dhisay magaalada Villognon,
Hollande ka hadlayay munaasabad lagu furayay goob tareen oo cusub markii uu xabbadda maqlay. xoogaa ayuu hakiyay khudbadda, laakiin wararku waxay sheegayaan in uusan argagax dhicin.

“Waxaan filayaa in uusan dhib jirin” ayuu yiri Hollande oo khudbadda xoogaa joojiyay, wuxuuna dadka waydiiyay ma jiraa cid ay dhibaato soo gaartay.

Madaxweynaha ayaa goor dambe booqday labadii ruux ee ku dhaawacmay xabadda oo kala ahaa ruux ka shaqeeya huteel deegaankaas ku yaalla iyo qof ka mid ahaa shaqaalaha shirkad dayactir ku samaysa tareennada.
Madaxa dawlad goboleedkaas ay xabbadu ka dhacday Pierre N’Gahane ayaa sheegay in la billaabay baaritaan arrintaas ku saabsan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in la waydiiyay in xabbadu kama ahayd wuxuuna yiri “haa, shakina kuma jiro taas”.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300