Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Madaxweynaha oo maanta furaya kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa maanta oo Arbaco ah inuu furo Kalfadhiga koowaad ee Golaha Shacabka Somaliyed.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in qorshaha uu yahay Madaxweyne Farmaajo inuu hor yimaado Golaha Shacabka, islamarkaana uu furo Kalfadhiga Koowaad ee Golaha Shacabka, kadibna halkaasi uu ka jeediyo warbixin la xiriirta xaalada dalka.

Xubnaha Baarlamaanka dalka ayaa xilli hore lagu wargeliyay inay si dhaqsi ah maalinta Arbacadda ugu soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka Somaliya.

Intaasi kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa xubnaha Golaha Shacabka wuxuu weydiisan doonaa inay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ee dalka Xasan Cali Khayre.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Khayre ay taageersan yihiin xubnaha Baarlamaanka waa sida uu yiri, islamarkaana ay siin doonaan codka kalsoonida ah.

Lama oga in xubnaha Golaha shacabka ay siin doonaan codka kalsoonida Ra’iisal Wasaaraha magacaaban iyo in kale, balse qorshaha ayaa ah in Baarlamaanka la horgeeyo maanta.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, gaar ahaan Isgoysada ku yaal Magaalada oo la dhigay ciidamo Boolis iyo Nabad Suggida isugu jira.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300