Published On: Wed, Mar 1st, 2017

Gaas: “Faroole anigaa ku daray aqalka sare,in uu Puntland qasana maaha


Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadallo maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay Siyaasiyiin ka mid ah kuwa Puntland.Siyaasiyiintaas oo  ay ka midyihiin C/Raxmaan Faroole,Cali Xaaji Warsame iyo Faarax Cali Shire oo dhamaantood xilal ka soo qabtay Puntland ayaa Gaas ku dhaliilay amni darrada iyo gadoodka Ciidamada ka cabanaya Mushaar la’aanta ee Maamulka Puntland.

C/Wali Gaas oo mid mid ugu jawaabayay Siyaasiyiintaas ayaa ka billaabay C/Raxmaan Faroole,waxaana uu sheegay in isaga Gaas ah uu Faroole ku daray aqalka sare isaga oo ka filayay in uu noqdo Oday Soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay in uusan ka shaqeyn nabad gelyo xumida Puntland.

Cali Xaaji Warsame oo Wasiirka Waxbarashada ka soo noqday Puntland iyo Faarax Cali Shire oo Wasiirka Maaliyadda ka soo noqday Puntland ayuu ku sheegay in ay yihiin Siyaasiyiin fashilmay waxaana uu ugu baaqay in ay sugaan fursaddooda Siyaasadeed ee 2018ka markaas oo ay puntland ka dhacayaan doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300